Monday, 5 August 2013

Xasan Daahir ma Qabiil-buu Yeeshay -- maxaa keenay amni darada mogadishu baryahaan dambe?


Waxaan aad uga xumahay in X.Daahir uu qabiil yeesho iyada oo la og yahay in uu dharaar cad Guriceel 2005 kulankii beesha Ceeyr ka dhex yiri Ceerow waxaad aaminsan tihiin kobtaada iyo tolkaaga dhexda looga jiraa “ Aniga tolkeey waan ku diiday waana ku qaldan yihiin in aay aaminaan maahmaahdaas “ manta maxaa keenay in X.Daahir rag qabiil ku difaacaya la helo iyada oo la og yahay in Aabe uu u yahay dhiiga hada ka socda koonfurta Somalia.


Maanta oo ay taariikhdu ahayd 5/08/2013 ayaa magaalada baladwayne lagu toogtay wiil 18 jir ah oo magaciisa lagu sheegay Mukhtaar Xasan Maxamed ayaa maanta maxkamaddu meleteriga Soomaaliya waxa ay ku fulisay xukun dil ah kadib markii ay ku cadaatay in uu dilay Sheekh Muxumed Sheekh Xuseen (Marya-cadde) oo ahaa gudoomiyaha odayaasha dhaqanka Hiiraan.
hadu falkaa dilka ah gaystay oo ay cadahay in shabaab uu kamid ahaa waxaa isleeyahay in cadaalad daro tahay falka loo gaystay ama la dilo waayo ragii amarka soo siiyay ee uu Xasan Daahir aweys kamid yahay baa madaxtooyada lagu haystaa oo uu hoy fican daganyahay , caruurta yaryarna ee la sixi karo oo la marin habaabiyayna la laynayo . 



Hadaba haddii nin-walbaa oo danbiile ah marka uu umada dhameeyo noqonaayo qabiil sow lama dhihi karo dadka Somali ee dhibka ku jiray in ka badan 23 sanno ma rabaan,nidaam dowladnimo Somalida kalene lama jaanqaadi karaan xaqiiqdii.
Xukunka X.Daahir waxa uu xil ka saran yahay xeerilaaliyaha qaranka Somalia,waxaa mudan in uu dacawada X.Daahir lagu soo oogayo aay noqotaa mid la soo dedejiyay sabbabta oo ah waxa magaalada Muqdisho ka socda qaarkood waxaa loo nas-beeynayaa qaswadeyaal ku qaraabayana xariga X.Daahir iyo xukunkiisa oo sii dheeraada,sow dastuurka laguma dhigin in muwaadanka Somaligaa uusan xirnaan karin wax ka badan 24 saac maxaa X.Daair loo haystaa,sow burbur dowladnimo horsed kama aha in waxii umada ku heshiisay la dhaqangelin waayo.

Ilaaah Umadaan cadaalada ka maqantahay raboow u birbiri oo xaqa tusi . Aamiin


No comments:

Post a Comment