Friday, 23 August 2013
Sidee ayaa Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka loo abuurayaa?
Abuurista Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka waxaa muuqatey in ay tahay mid
lagu kala ra’yi duwan yahay markii la qabanayey shirarkii dastuuriga ee ka horreeyey
Dastuurka Ku-meelgaarka ah. Waxaa la ogaadey in ay muhiim tahay in la helo
habraacyo caddaalad ah oo aan qarsoodi ahayn oo lagu abuuro Dawladaha Xubinta
ka noqonaya Federaalka. Sidaa daraaddeed Dastuurka Ku-meelgaarka ah lafahaantiisu
ma abuurayo Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka, laakiin waxaa uu
hawshaas u igmanayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, oo wakiil
ka ah dhammaan dadka Soomaaliyeed, in uu go’aan ka gaaro tirada iyo xuduudaha
Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka – eeg Qodobka 49aad.
Go’aankan uu qaadanayo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah waa in
lagu saleeyaa talooyinka uu soo jeediyey Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka, oo ah
guddi madax-bannaan oo ay tahay in uu ka koobnaado dad waayo-arag ah oo
matalaya dhammaan qaybaha kala duwan ee Soomaaliya. Guddigan waxaa uu
daraaseynayaa dalka, waxa uu la hadlayaa muwaadiniinta iyo khubarro, waxaana uu
soo jeedinayaa tirada iyo halka la marinayo xuduudaha Dowlad-goboleedyada
Xubinta ka ah Federaalka – eeg Qodobbada 49 (2) iyo 111E. Sidaa daraaddeed, sida
uu dhigayo Dastuurka Ku-meelgaarka ah, waxaa jiri doona madal iyo waqti ay
dadweynuhu uga sii munaaqashoodaan arrintan.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment